PUB 2020

HEESTA : « Cajebey Cajiibeey » By TUBEEC ( A.U.N.)

HEESTA : «  Cajebey Cajiibeey » By TUBEEC ( A.U.N.)

Cajebey cajiibeey
Cawo iyo ayaaneey
Caqligaad xadaysaa
sida geed cal iyo buur dheer
Carro-hodan ku yaalloo

Cokanoo irmaanoo
Dhirta kale ka caynoo
Hoobaan casuus lihi
Laamaha is-celisoo
Ubaxuna tin iyo cidhib
Kaga dhigay cabbaadhyiyo
Dusha sare caleentii
Cidhifka is la gaadhaan
Biyo wada cabteenoo

Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen

Cad waxaad wadaagtaan
Dhulka oo cagaarloo
Cosobkii is gaadhiyo
Cagta meel la saaroon
La cuskado la haynoo

Fiid cawl horaantii
Cirka oo daruuruhu
Ku dhigeen canjiidaha
Dayixiyo cadceeduna
Cidhifyada ka joogaan
Sagal caasha saaraad
Biyo wada cabteenoo

Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma 
canaanteen

Sida faras cag fududoo
Cadda horor yaqaannoo
Gulufkiyo colaadaha
Ninka lihi cad goostaa
Raggu kuu cugtamayaa
Cimri dherer hadhkaagaan
Inay kula caweyaan
Culimada jacaylkee
Cawdeyda gooysee
ii cadaadinaysaa
U calool yoobayaa
Biyo wada cabteenoo

Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen

Hooyo la’aantaa By TUBEEC A.U.N.

Hooyo la’aantaa
By TUBEEC A.U.N.

 Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo

Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen

Hubka laguma tureen
cirka hirar ka muuqdoo
ruuxaad hagaysiyo
usha mid aad ku haysaa
hilin toosan waligii
ka habaabi maayee

Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigaa u horseedee
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayn,

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo
marti hagar ka gelinoo

Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo
La higsade dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura bakhtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caanoo
sacabka iyo heelada
Labadaba hagaajoo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdaba
rabi hibo u siiyoo
Hawraarta maansadan
Heensayn yaqaaniyo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee.
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hufan laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

Hooyoy la’aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la’aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad heesiyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee

hooyo taftaada
dugsi laga helaayoo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey
Dugsigi lagu hirtaayeey Hidde lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,

Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo

Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo

Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo

Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo 
gidi  habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

08 QOF + 2 DHINTEY A.U.N

08 QOF + 2 DHINTEY A.U.N 

SALEH IBRAHIM

CHELSEA yeeey !!!

BOQOR ! LAGAMA TOOXSADO !!!!☝️☝️☝️