PUB 2020

Hooyo la’aantaa By TUBEEC A.U.N.

Hooyo la’aantaa
By TUBEEC A.U.N.

 Hooyoy la’aantaa
Adduunyadu hubaashii
Habeen kama baxdeenoo

Iftiin lama heleenoo
Dadku uma hayaameen
Dayax heego joogoo

Sida haad ma fuuleen
Xiddig hawd ka lulatoo
hawo laguma gaadheen

Hubka laguma tureen
cirka hirar ka muuqdoo
ruuxaad hagaysiyo
usha mid aad ku haysaa
hilin toosan waligii
ka habaabi maayee

Hooyoy addoomuhu
Halkay maanta joogaan
Adigaa u horseedee
Intaad hanad xambaartee
Haaneedka siisee
Horaaddada jaqsiisee
Habtay baan xisaabiyo
Tiro lagu helayn,

Marka aad nin hiilloo
Laga baqo hashiisiyo
Halyey diran dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.
Marka aad nin hoo-loo
marti hagar ka gelinoo

Gurigiisa habaqluhu
Isku soo halleeyoo
hayntiisa quudhoo
Hor ilaahay geystiyo
Lama hure dhashaa baa
Hooyoy lagu xasuustaa.

Marka aad nin himilada
Hilin toosan mariyoo
Hir markii la gaadhaba
Ku labaad hilaadshoo
haga maatadiisoo
La higsade dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Marka aad nin hooggiyo
Ka hor taga dagaalkoo
dabka hura bakhtiiyoo
Garta hubin yaqaanoo
Xaqa hoos u eegoo
Halistiyo colaadaha
ku hagoogta dhiigoo
Dadka kala hagaajoo
Kala hage dhashaa baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Markaad hoobal caanoo
sacabka iyo heelada
Labadaba hagaajoo
Hindisaa farshaxanoo
Hab-dhaca iyo luuqdaba
rabi hibo u siiyoo
Hawraarta maansadan
Heensayn yaqaaniyo
Hal-abuur dhasha baa
Hooyo lagu xasuustaa.

Dumar iyo haween baa
Nolol lagu haweystaa
Kuwa lagu hammiyayee
Sida hawd caleen wayn
Rag u wada hamuumee
Ishu halacsanaysaa
Hablahaaga weeyee.
Marka guur la haybshee
Gabadh heego dheeroo
Hoobaan la moodoo
Karti iyo hub-qaadloo
Quruxdana ka hodanoo
Hufan laga aroostaa
Hooyo lagu xasuustaa.

Hooyoy la’aantaa
Higgaad lama barteenoo
Hooyoy la’aantaa
Hadal lama kareenoo
Ruuxaanad habinoo
Kolba aanad heesiyo
Hoobey ku sabinoo
Hawshaada waayaa
Hanaqaadi maayee

hooyo taftaada
dugsi laga helaayoo
Hooyoy dhabtaadaa
Hurdo lagu gam’aayoo
Hooyoy dushaadaa
Nabad lagu helaayoo
Waxa lagu hal-maalaa
Hooyo ababintaadee
Hayin lagu badhaadhaay
Hogol lagu qaboobaay

Gogol lama huraaneey
Dugsigi lagu hirtaayeey Hidde lagu arooraay.

Intaad hooyo nooshahay
Hambalyiyo salaan baan
Hanti kaaga dhigayaa

Hamrashiyo xaq-dhowr baan
Dusha kaa huwinayaa,

Hooyo dhimashadaaduna
Hooggayga weeyoo

Weligey hoggaagaan
Ka dul heesayaayoo

Hiyiga iyo laabtaan
Kugu haynayaayoo

Hengel baan u xidhayaa
Inta haadka duushiyo 
gidi  habar dugaaggee
Ifka hibo ku noolow
Aakhiro halkii roon

08 QOF + 2 DHINTEY A.U.N

08 QOF + 2 DHINTEY A.U.N 

Hooyooy macaan

Hooyooy macaan 

Marka ku arko waan
ku maqsuudi lahaa
Muruagada aan qabee
Hooyo macaan

Muuqaagu wuu
Iga meeri lahaa
Dhibka soo maree
Hooyo macaan

intaan kalaa maqneen
Waa mahad galee
Qofacuna iyo hurdaba
Waan iska maanacee
Hooyooy Macaan

Maama aragtidaada
Waxa ay ilamid tahay
Anigoo mako iyo
Madiino tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah
Markastaba ahow

Maaymoodii baad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Kama mogi karee
Mininkaa janada
Moolaha haka dhigo
Maamooy macan
Moola haka dhigo

Marka ku arka waan
Maamuumsi lahaa
waad mudantahee
Hooyoo macaan

Murti iyo amaan
Baan marin lahaa
Mahuraankiyee
Hooyooy macaan

Dadka moogiyo
Umacneen lahaa
Maalin iyo habeen
Maqanshiin lahaa
Hooyooy macaan

Maama aragtidaada
Waxa ay ilamid tahay
Anigoo mako iyo
Madiino tagoo
Xajka soo maree
Hooyo magan ilaah
Markastaba ahow

Maaymoodii baad
Ila soo martee
Miisaan xaqaa
Kama mogi karee
Mininkaa janada
Moolaha haka dhigo
Maamooy macan
Moola haka dhigo

CORONAVIRUS - DJIBOUTI - 46 QOF


SALEH IBRAHIM

CHELSEA yeeey !!!

BOQOR ! LAGAMA TOOXSADO !!!!☝️☝️☝️